Xog Cusub oo Muhiim ah oo Ku Saabbsan Xiritaanka iyo Isku dhafka Dugsiyada
Summary: Xog Cusub oo Muhiim ah oo Ku Saabbsan Xiritaanka iyo Isku dhafka Dugsiyada
Xog Cusub oo Muhiim ah oo Ku Saabbsan Xiritaanka iyo Isku dhafka Dugsiyada
Qoysaska sharafta mudan ee,
Xalay, waxa aanu yeelanay shirkii gudida dugsiga ee horay noogu qorshaysnaa, waxaan idiin soo abaarayaa in aan idinla wadaago qaar ka mid ah wararka muhiimka ah.
Kulamadii online-ka ahaa ee qorshaysnaa ee North Beach, Sanislo, Sacajawea, iyo Stevens dhamaan waa joojineynaa. Taasina waxaa sababtay guddiga oo go’aansaday inuu dib u dhigo xiritaanka iyo dhageysiga bisha Diisambar, qayb ahaan iyadoo lagu saleynayo talooyinka muhiimka ah ee qoysaska oo aan dhammaanteen qiimeyno. Natiijo ahaan, waxaan ka fiirsanayaa inaan ka noqdo talooyinkaygii hore ee xiritaanka iyo xoojinta.
Talaabadayada xigta waa in aan la fadhiisano guddiga dugsiga oo la qorsheeyo talaabooyinka xigidoona. In la yeesho shirar beeleed ka hor ama inta lagu jiro wadahadaladan ma noqon doonto mid cadaalad ah wakhtigan.
Xiritaanka iyo isku dhafka dugsiyada waa mid ka mid ah wada-hadalka ugu adag ee aan abidkeen la yeelanay bulshadeena. Wadahadaladii lala yeeshay qoysaska dugsiga ee ay saamaysay, bulshada weynta Seattle Public Schools, shaqaalaheenna, iyo guddigayadu waxay ahaayeen kuwo waxtar leh oo mararka qaarkood xanuun badnaa. Waxaan fahamsanahay in qofna uusan dooneynin in dugsigooda la xiro — waxaanan ka mahadcelineynaa sida aad u jeceshahay dugsiyadaaga, macallimiinta, shaqaalaha, iyo dhaqanka ka caawiya arday kasta inuu horumaro.
Waxaan jeclahay inaan uga mahadceliyo bulshada dugsigeena inay bixiyaan jawaab celin inta aanu ka shaqaynayno inaanu wax ka qabano farqiga miisaaniyadeena oo aanu u dhisno nidaam waara si arday kastaa u horumaro.
Wadashaqeyn,
Dr. Brent Jones
Kormeere
Dugsiyada Dadweynaha Seattle