Health Services
Macluumaad Caafimaad oo Muhiim ah Sanad Dugsiyeedka Cusub
Tallaaladu Ma Dhamaystirayihiin?
Sharciga Gobolka Washington wuxuu dhigayaa inuu arday kastaa keeno caddaynta u hoggaansanaanta tallaalka si uu u xaadiro dugsiga. Haddii aad ka heshay warqad ka timid Adeegyada Caafimaadka oo ku saabsan tallaallada uu ardaygu u baahan yahay dugsiga, fadlan hubi in ilmahaagu helo tallaalka(yada) ku qoran warqadda ama keen dukumentiyo muujinaya ka-dhaafitaannada.
U dir diiwaanka tallaalka kalkaalisada dugsiga ama bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga fakis haka siiyo diiwaanka kalkaalisada.
Shuruudaha tallaalka waxaa laga heli karaa bogga Tallaalka Adeegyada Caafimaadka
Xaalado Caafimaad oo Nafta Halis-Gelinaya
Haddii uu ilmahaagu qabo xaalad caafimaad oo nafta-halis gelisa (Sonkorowga, Xasaasiyadda, qalalka, Neefta, iwm.), walxaha soo socda waa in la bixiyaa maalinta koowaad ee dugsiga ama ka hor:
- Daawaynta Nafta Badbaadineya
- Foomamka Oggolaanshaha Daawada
- Qalabka daawaynta
Si loo hubiyo caafimaadka iyo badbaadada ardaygaaga inta lagu jiro maalinta dugsiga, Sharciga Gobolka Washington wuxuu dhigayaa in ardaygaaga laga saaro dugsiga ilaa alaabtan ay ka hesho kalkaalisada dugsiga. Fadlan u sheeg kalkaalisada dugsigaaga haddii aad wax caqabad ah ku haysato bixinta alaabtan si ay u bixiyaan taageero.
Siyaasadda SPS 3413 ee ku saabsan habka ka saarista waxa laga heli karaa bogga siyaasadaha iyo habraacyada Guddiga Dugsiga ee hoos yimaada “Tallaalka Ardayga iyo Xaaladaha Caafimaad Nafta-Halis-gelinta ah.”
Wararka Ugu Dambeeyey ee Caafimaadka
Fadlan u soo sheeg arrin kasta oo caafimaad oo ilmahaagu qabo taas oo saamayn karta badbaadada iyo waxbarashada kalkaalisada dugsiga
Buuxi foomka Cusbooneysiinta Caafimaadka Ardayga:
- Booqo The Source
- Buuxi nuqul warqad ah
- Waxa kale oo aad si toos ah ula xidhiidhi kartaa kalkaalisada telefoon ama iimayl
Foomka Daawada
Waydii dhakhtarkaaga inuu buuxiyo Oggolaanshaha Dawooyinka lagu qaato Dugsiga
- Daawo kastaa waxay u baahantahay qaab u gaar ah
- Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka waa inuu saxeexaa
- Waa inaad saxiixdaa foomka
Tan waxa looga baahan yahay DHAMMAAN daawooyinka.
Daawo
Dhammaan dawooyinka waa inay ku jiraan weelkoodii asalka ahaa oo leh calaamad farmashiye.
Daawooyinka degdega ah waa in ay yaalaan dhismaha dugsiga maalinta koowaad ama ka hor.
Hubi taariikhaha daawadu dhacayso! Isku day inaad hesho dawooyin socon doona sannad dugsiyeedka oo dhan.
Cirbadda Hargabku waa Badbaadiye Nololeed!
U qorshee ardaygaaga iyo xubnaha qoyskaaga tallaalka hargabka. Waa kan sida:
- La xidhiidh Xarunta Caafimaadka ee Dugsiga (Ardayda oo keliya)
- Ka raadso daryeel bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga
Ka raadi ogaysiisyada soo socda ee fursadaha bogga internetka ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle
Ka Gaashaamo Xanuunada Neef-Mareenka
- Iska tallaal
- Haddii aad xanuun dareento, guriga joog
- Is baar haddii aad ey kaa muuqdaan astaamaha COVID-19
- Dhaq gacmahaaga si joogta ah
- Gacmaha ka fogee wejigaaga
Ka Diiwaangeli Ardaygaaga Xarunta Caafimaad ee Dugsiga!
Ardaygaagu wuxuu aadi karaa xarun kasta oo caafimaadka ku salaysan oo ku taal degmada. Fadlan horay u soo wac
Hel xarun caafimaad oo dugsi oo kuu dhow ama isticmaal khariidaddan is-dhexgalka si aad u hesho midda kuugu dhow.